DEG DEG”Dil Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo +Masuulka Ladiley Magaciisa

0
30

Kooxo hubeysan ayaa xalay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa ay ku dileen mid kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Laamaha Amniga ee Gobalka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen askarigaan kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Falka dilka ayaa ka dhacay Woqooyiga magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana uu dilka dhacay xili uu askariga kasoo baxay masjid ku yaala Gudaha Magaladaas, wuxuu kusii jeeday hoygiisa oo aan sidaas ugu fogeyn masjidka.

Ilaa haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilka xalay ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here