DEG DEG:Ciidmada Liyuu Boolis Oo Dad shacab ah ku xasuuqey xadka hiiraan

0
36

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Khalaafe oo dhaca xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ethopia ayaa ku waramaya in maanta halkaasi  ciidamada Liiyuu boolis ay ku laayeen dad shacab ah oo daganaa deegaanka.

Goob-joogayaal ayaa booqasho news  u xaqiijiyey in ciidamadu gudaha deegaanka ay ku dileen maanta Sagaal ruux, kuna dhaawaceen tira kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay isku dhaceen ciidamada, markii dadkaasi ay ka horyimaadeen canshuur ay ciidamadu ka qaadayeen Beero ay la haayeen.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagaan deegaanka Khalaafe ee ku yaala xadka uu Hiiraan la wadaago ismaamulka Soomaalida Ethopia, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhoco halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here