DEG DEG”Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xero ay degan yihiin AMISOM

0
97

Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus waxaa ay ku qaadeen Xero ay degan yihiin Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM.

Weerarka ayaa haa Mid aad u xoogan waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay .

Weerarka waxaa Al-Shabaab ay si toos ah ugu qaadeen Xerado AMISOM ay degan yihiin gaar ahaan kuwa wadanka Kenya  oo ku taalla Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada ee Ku sugan Gobolkaasi gaar ahaan Magaalada Baardheere ayaa waxaa ay Warqaad.com u sheegeen in Weerarka shabaab uu ahaa mid xoogan.

Al-Shabaab ayaa dhow jeer oo hore sidaan oo kale u weeraray Xerooyin badan oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM iyadoo weeraradaas ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan oo labadan dhinac soo kala gaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here