DEG DEG”5 Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Dul Burburtay Caasimadda Dalka ________

0
51

 

Baarayaasha ayaa sheegay inay 5 qof ku geeriyootay Diyaarad yar oo ka diiwaan-gashan dalka Swiss oo ku dul burburtay Dukaan Weyn (Supermarket) ku yaalla Caasimadda dalka Portuqal ee Lisbon.

Sawiro  laga qaaday shilkaasi ayaa muujinaya uuro weyn oo hawada isku shareertay, waxayna Diyaaradda si toos ah ugu dhacay Gaari Tareel oo rar ku dejiyey Dukaanka Lidi Supermarket, kaasi oo taagnaa goobta gaadiidka la dhigto.

Duuliyihii Diyaaradda oo u dhashay dalka Swiss, 3  rakaab oo Faransiis ah iyo Dareewalkiis oo Portuguese ahaa ayaa ku geeriyootay shilkaasi.

Diyaaradda ayaa ka soo hinqatay Garoon ku yaalla Cascias, waxayna ku sii jeeday magaalladda Marseilles ee dalka Faransiiska, ka hor intaysan Hawada Dhexe ku ololin, kuna soo dhicin dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here