DEG DEG: Wiilal Walaala Ah Oo Goor Dhow Lagu Dilay Muqdisho

0
149

Wararka naga soo gaarayo degmada wadajir ayaa ku waramaya in waxyar ka hor lagu dilay xaafada Siliga laba wiil oo walaala ah, oo ay toogteen kooxo hubeysan.

Maamulka degmada Wadajir ayaa dilkan u xaqiijiyey booqasho news islamarkaana sheegay in kooxo bastooaladu ku hubeysan ay dileen wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay gaari  ku hor gooyeen Marxuumiinta oo gaari kala soo baxayey garaash ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadjir, kadibna ay rasaas ku fureen.

Waa Dilkii labaad ee isla maanta ka dhaca Muqdisho, waxaana saakay degmada Shibis lagu toogtay sarkaal katirsanaa NISA oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali oo la doogtay, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo uu dhismo ka socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here