DEG DEG: Weerar Xoogan oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
46

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ayaa goordhaw weerar ku qaaday gaari uu la socday taliyaha ciidanka booliiska Saldhiga Degmada Wadajir Captan Cabdi Baasit Maxamuud.

Sida aan Wararka ku helnay taliyaha booliiska oo kasoo baxay saldhiga degmada Wadajir ayaa weerar kedis kala ah kulmay gaari yar ay saarnaayeen kooxo hubeesan, kuwaa oo rasaas xoogan ku furay gaariga uu la socday taliyaha.

Ciidamo katirsan booliiska oo la socday taliyaha la weeraray ayaa iska caabin xoogan sameeyay waxa ayna rasaas dhankooda ku fureen gaarigii ay wateen kooxha hubeesan, kuwaa la sheegay in ay goobta ka baxsadaan.

Goob jooge ku sugan halka uu weerarku ka dhacay ayaa noo sheegay in ragii hubeesnaa ay goobta ka carareen , waxaana eryaday oo ku daba jira ciidamada booliiska ee la socday taliyaha Saldhiga Wadajir sida goob joogaha inoo sheegay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan goordhaw lagu qaaday taliyaha booliiska saldhiga degnada Wadajir mana jiro ilaa hada wax ar ah oo kasoo baxay maamulka Degmada iyo laamaha amaanka.

Degmada Wadajir ayaa marar badan waxaa horey uga dhacay weeraro loo adeegsaday gaadiid ay saaran yihiin dabley hubeesan, waxaana weeraro nuucaan ah lagu dilay masuuliyiin katirsan maamulka Degmadaasi uu ugu dambeeyay Xoghayihii degnada oo maalmo kahor la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here