DEG DEG: Sargaal katirsan DFS oo lagu dilay sarif yaraha

0
44

Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa sarif yaraha ayaa goor dhow waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida  sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Askarigan, iyaga oo Rasaas huwiyay qeybta sare ee jirkiisa, sidaasina uu ku geeryooday.

Dabelydii dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa horey waxa ay u sii qaateen Qorigii uu watay Askariga, sida uu sheegay mid ka mid ah Ganacsatada suuqa ku Ganacsada.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday Meydka Askarigan, Howlgallo ayay sidoo kale wadaan.

Shalay galab isgoyska Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa koox hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsan Millitariga Soomaaliya, waxayna horey u qaateen Qorigii uu watay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here