DEG DEG: Sargaal ay qaraabo yihiin R/wasaarihii hore Ethiopia oo la dhaawacay

0
166

Wararka inaga soo gaaray Dalka Ethiopia waxaa ay sheegayaan in Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Wadankaas lagu dhaawacay Gudaha wadanka Ethiopia.

Sargaalka ayaa waxaa lagu magacaabaa Abay Amare kaasi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada amaanka Dowlada Ethiopia ee magaalada Gonder.

Sargaalka ayaa waxaa rasaas ku furay Kooxo la sheegay in ay wadaan Kacdoonka Dalkaas ka socda ee ka soo horjeeda Maamulka Dalkaas ka arrimiya.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan magaalada Gonder ee dalka Ethiopia waxey ciidamada xabsiga dhigeen boqolaal ruux kadib markii la dhaawacay taliye ku xigeen ciidamada Amaanka ee magaaladaasi.

Taliye Kuxigeenka la dhaawacay ee lagu magacaabo Abay Amare ayaa waxaa la sheegay in ay qaraabo dhow ahaayeen R/wasaarihii Hore ee Dalkaas Ethiopia Malis Zanawi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here