DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada..

0
48

 

Wararka inaga soo gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in Duleedka degmadaasi qarax xoogan lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso waxaana uu khasaaro kala duwan uu ka soo gaaray Ciidamadii qaraxa lala eegtay ee AMISOM, Waxaana jira warar sheegaya in gaarigii uu qaraxu haleelay in uu halkaa ku gubtay.

Wadooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa inta badan lagula eegtaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah kuwaas oo masuuliyadooda ay sheegtaan kooxda Al-Shabaab, mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Degmada afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here