Deg Deg:-Qaar Kamid ah Taliyayaasha Booliska Degmooyinka oo Shaqada Laga Eryay

0
179

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Saacid  ayaa isbadal ku sameeyay qaar kamid ah Taliyaasha saldhigyada boliiska Gobolka banaadir halka kuwo cusubna la magacaabay, Waxaana sidoo kale leysku badalay Taliyaasha qeybaha.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa isbadal ku sameeyay taliyayaasha Degmooyinka Shibis, Xamar weyne, iyo Hodan,wuxuuna saldhigyadaas u magcaabay Taliyayaal Cusub oo xilalka kala wareegi doono taliyaayashii Hore.

Talabaaan  uu sameeyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Saacid   ayaa lagu sheegay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya,islamrkaana Taliyaayashaan ay la jaan qaadi doonaan isbadalka dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here