DEG DEG: Muqdisho oo Saaka jawi Cusub ku waabariisatay & ciidamo hubeysan oo awood loo siiyay iney…

0
35

 

Jawiga magaaladda Muqdisho ayaa ilaa xalay saqdii dhexe waxaa laga dareemayaa isbadal xoogan kadib markii ciidamo hubeysan lagu daadiyay wadooyinka qaar ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka saaka inaga soo gaaraya Wadooyinka waa weyn ee magaaladda sida Jidka Sodonka, Wadada Wadnaha iyo tan warshadaha ayaa sheegaya in halkaas lasoo dhoobay ciidamo aad ubadan.

Ciidamadan ayaa bilaabay iney joojiyaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka iyagoo xaafadaha qaarna ka bilaabay howlgal ciidan.

Howlgaladdan ayaa ah kuwa lagu baarayo gaadiidka dadweynaha iyo xaafadaha magaaladda Muqdisho ayaa ah qorshe dhanka amaanka ah oo ay dajisay wasaarada amniga DFS isla markaana ay golaha wasiirada ansixiyaan.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in ciidamada awood loo siiyay iney baaraan guri walba iyo dadka ku nool si loo xaqiijiyo amaanka Muqdisho.

Cabsi xoogan ayaa soo food saareysa dadka shacabka ah maadaama gobaha ay tagaan ciidamada ay ka geystaan gabood falo dheeraad ah oo isugu jira dil iyo dhac.

Si kastaba, magaaladda Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro xoogan oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh taas oo sababtay in madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqo qorshaha lagu sugayo amaanka magaaladda Caasimadda ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here