DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Hanjabaadii ugu adkeed

0
29

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray abid Hanjabadii ugu adkeed xili dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Kheyre.

Madaxweynaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hanjabay in XarakadaAl-shabaab muddo kooban uga saari doonaan dalka.

Farmaajo ayaa sheegay inaanu macquul aheyn in Al-shabaab ay dhowr sano ka dhex dagaalanto Somalia, waxa uuna wacad ku maray inay ka masixi doonaan dalka, iyagoo adeegsanaaya Ciidamada Qaranka Somalia.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in Ciidamada Qaranka iyo Shacabkuba ay muujin doonaan la dagaalanka Al-shabaab waxa uuna tilmaamay in Al-shabaab aysan ka awood badneyn DFS.

Farmaajo waxa uu Cadeeyay in Somalia ay ka hanaqaadi la’ dahay waxa uu ugu yeeray Argagixisada, sidaa darteedna ay lasoo bixi doonaan quwad ka duwan kuwii hore oo lagula dagaalamaayo Al-shabaab.

Al-shabaab ayuu sheegay inay Cadow muuqda ku yihiin dhismaha dalka, Nolosha shacabka iyo in la dhiso Qaran mideeya dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Somalia ayuu sheegay inay u baahan tahay Nabad iyo Xasilooni isla markaana ay tahay mid lagu gaari karo Al-shabaab oo laga sifeeyo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer Hanjabaado lamida tan uu iminka jeediyay u diray Al-shabaab, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska dul qaadan waxa loogu yeero Argagixisa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here