Deg deg :” Labo Qof oo lagu dilay Marka, Xaaladda oo…

0
175

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Marka ee gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah.

Kooxo hubeysan ayaa gudaha magaaladda Marka ku dilay labo qof oo lasoo sheegayo in mid kamid ah uu ahaa ganacsade magaaladda laga yaqaan.

Inkastoo aanan helin ilaa haatan magacyada labadan qof ee la dilay, hadana kooxdii dilka geysatay ayaa lasoo sheegayaa iney baxsadeen.

Jawiga magaaladda Marka ayaa isbadalay kadib markii dilalkaas ay dhaceen, dadka ayaana xili hore guryahooda ku xarooday.

Wararka saaka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in jawiga uu degan yahay, waxaana soconaya howlgalo lagu raadinayo kooxdii dilka geysatay.

Magaaladda Marka ayaa waxaa marar badan ka dhaca dilal qorsheysan oo qaarkood loo geysto aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here