DEG DEG: Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Sh/Dhexe

0
41

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaasha ku sugan halkaasi ayaa soo sheegaya dilka in uu ka dhacay meel lagu magacaabo Kilibood oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka Degaanka ayaa booqasho u sheegay Kooxihii dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana la sheegay in ay horey u qaateen Qariga Askarigii ay dileen.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira dilkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here