DEG DEG: Kala Carar ka bilawday Qeybo kamid ah Xaafadaha Muqdisho…

0
77

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalladaan ayaa xoogooda waxa uu saameeyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in lagu soo qab qabtay ku dhawaad 100 qof oo u badan dhalinyarada Xaafadahaasi.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib dil shalay Xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigleey loogu geystay Howlwadeen ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro wax faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Howlgalladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here