DEG DEG: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Ciidamada oo Xilkii Laga Qaaday

0
60

Shir aan  Caadi aheyn oo Muqdisho uga socda Golaha Wasiirada Soomaaliya islamarkaasina uu shir Gudoominayo Madaxweyne Farmaajo ayaa Xilalka looga qaaday qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada.

Waxaa Xilka laga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyaha Nabadugisa kan Booliska, Milateriga iyo Asluubta.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaasi soo qabtay dowladii Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo xilkaasi iska casilay dhowaan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa  loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, iyada oo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo Kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa loo Magacaabay   Gen C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here