DEG DEG: Duqeyn ka dhacday Gedo+saraakiil lagu diley

0
138

Waxa ay warar dheeraad ah ka soo baxayaan Diyaarado aa la aqoon dalka laga leeyahay oo xalay Duqeyn culus ka geystay Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo, waxaana Duqeynta lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Duqaynta oo ahayd mid is xig xigtay, ayaa si weyn looga maqlay Deegaanka Wargaduud iyo tuulooyinka ku hareereysan, waxayna duqayntu u muuqatay mid qorsheysan.

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Duqayntani lala eegtay xubno ka tirsan Saraakiisha Ururka Al-Shabaab, inkastoo aan faah faahin laga hayn.

Dadka Degaanka ayaa xaqiijinaya in Xoogaga Shabaabku ay soo dhoobteen wadooyinka soo gala saldhigaasi, iyagoona xiray dhammaanba wadooyinkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya Diyaaradahan Dagaalka ee fuliyay Duqeynta in laga leeyahay Dalka Kenya, kuwaasi oo dhowr jeer oo hore fuliyay Duqeymo nuucaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here