DEG DEG: Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn xoogan ku garaacay Duleedka Magaalada…

0
47

Warar goor dhaw naga soo gaaray gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi.

Sida dadka degaanka ayaa xaqiijiyay diyaarada dagaal oo laga lee yahay Kenya ayaa duqeeyay degaanka Tam-tama  oo qiyaastii 50km dhinca galabeed kaga beegan Magalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Lama oga qasaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaasi oo ay ka geysteen gobolka Gedo diyaadaraha dagaalka Kenya, hase ahaatee duqeynta ayaa imaaneysa xili deegaanadan ay saameyn ku yeelatay Abaaraha dalka ka jira.

Gudoomiya ku xigenka gobolka Gedo Cusmaan Nuux Xaaji oo  ayaa ka xaqiijiyay duqeyntaasi, waxana uu tilmaamay in duqeyntaasi lagu dilay rag ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Inta badan gobolka Gedo waxaa ka dhaca duqeymo dhinaca cirka ah oo ay geystaan diyaradaha Kenya, taasi oo qasaara naf iyo maalba leh ay ka sooo gaarto shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here