DEG DEG: Dagaal u Dhaxeeyo Beelo Walaalo ah oo ka qarxay Koonfurta Gobolka Sool&Qasaare Jira

0
27

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Dharkayn iyo Daba-taag deegaan u dhaxeeya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyo Beelo walaalo ah.

Dagaalkaan ayaa beelaha walaala ah ee Bahar Same iyo Qayaad kuwaasi oo baryihii ugu dambeeysay xiisado ay ka dhextaaneeyd.

Wararka Shabakada Marqaan Media ay heleeyso ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku uu xoogeeystay Duhurnimadii maanta.

7 Ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalkaasi oo ah dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku sii darayaan in aanay jirin gurmadyo lagu daminayo colaadaasi ama cid isku hoowshay daminta dagaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here