DEG DEG: C/Kariim Xuseen Guuleed oo si lama filaan ah loogu magacaabayo Xil safiirnimo +Wadanka

0
24

Ra’isul Wasaaraha DF Soomaalia ayaa la filayaa inuu safiirka cusub ee Turkey umagacaabo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo soo noqday madaxweynaha Galmudug State.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Turkey ayaa lasoo sheegayaa inuu ku qal qaaliyay madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre in Guuleed uu umagacaabo Safiirka Cusub ee Ankara ufadhin doona Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee ciidamada NISA Sanbaloolshe ayaa ahaa safiirkii DFS ujoogay dalka Turkey, waxaana la sugayaa in lagu badalo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

“Cabdi Kariim oo haatan kasoo wanaagsanaday qaliin caafimaad oo India loogu sameeyay ayaa loo magacaabayaa safiirka cusub ee Turkey”sidaas waxaan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dowlada katirsan.

Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa sababo caafimaad isaga casilay xilkii madaxweynaha Galmudug, waxaana uu kamid yahay siyaasiyiinta ilaa haatan si weyn utaageersan dowlada cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, Waxaa muuqaneysa in dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo ay kusoo laabanayaan saraakiishii dowladii hore oo siyaasad ahaan arimo badan ku fashilmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here