DEG DEG: Ciidanka DFS Oo Gacanta Ku Dhigay Warshad Hubka u Sameyn Jirtay Al-shabaab

0
42

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Hoose waxay sheegayaan in goor dhow ay ciidamada DFS, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen warshad Al-shabaab hubka u sameyn jirtay.

Wararku waxay sheegayaan in warashaddan lagu farsameyn jiray walxaha qarxa, sidoo kalena lagu diyaarinayey miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana intaa dheer in rasaasta qaar lagu cabeyn jiray.

Weli saxaafadda looma soo bandhigin warashaddan, waxaana lala qabtay sida la sheegayo rag ka tirsan Al-shabaab oo caan ka ah Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaan ku dhow Qoryooley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here