DEG DEG Beesha H/Gidir oo Shaaca ka qaaday Iney ka baxday Maamulka H/Shabelle

0
167

Xubnaha Umetalaya Maamulka Hirshabelle Beesha Habar Gidir ayaa waxay kudhawaaqeen inay suurta gal tahay iskaga bixida Maamulkaasi.

Waxa kulan maanta ka dhacay Magaalada Jowhar iskugu yimid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle taasi oo lagu dhameystirayey Gudiyada Baaralmaanka.

Kulankaasi waxa shir gudoominayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid Nidaamiyaasha lagu soo dhameystirayey.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa Shabkada Warqaad waxay wareysatay Xildhibaan C/weli Sheekh Cali oo Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Ka mid ahaanshiyahooda Hirshabelle ay ka fiirsanayaan kadib Xaqii ay lahaayeen ay waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here