DEG DEG: AMISOM oo goor dhow xirtay Taliye Boolis ah oo ka tirsan DF

0
58

Wararka inaga soo gaaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay xireen Taliyaha Booliska Degmadaasi.

Sababta ay ciidamada AMISOM u xireen Taliyaha ayaa lagu sheegay in uu saldhiga Booliska Qoryooley uu ka sii daayay Saraakiil Ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay duleedka Qoryooleey.

Ciidamo ka careysan Shabaabka la sii daayay ayaa la wareegay Saldhiga Booliska Degmada Qoryoole waxaana hogaaminaya Guddoomiye Ku xigeenka Degmadaasi Cabdi Axmed Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here