DEG DEG AH: Dhaca Hantida Qaranka oo si xowli ah uga socota Muqdisho

0
194

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka socda boob lagu hayo hantidii qaranka iyadoo arimahaas ay wadaan shaqsiyaad cusub.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in  si aad ah loo burburinayo  dhismihii Dugsiga sare ee Maxamuud Axmad Cali oo ku yaala Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dugsigaasi oo ahaa dugsiga sare ee kaliya ee ka jiri jiray degmada Kaaraan xiligii Dowladii Marxuum Jen Maxamed Siyaad ayaa haatan umuuqda in la boobayo.

Kooxo Dulaaliin ah ayaa bilaabay inay kala dulaalaan dhulkii uu ku fadhiyo Dugsigaasi sare oo Baaxadiisu wayn yahay, iyadoo ay hada la arkayo kooxo kale oo iyana wata Ducumintiyo ay ku doodayaan inay ka haystaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh horay loo xalaalaystay in la dhisto Jardiinayaasha, hadana waxaa la isku haystaa dhismihii Dugsiga sare ee Maxamuud Axmad Cali.

Dhanka kale Waxgarad ka tirsan Degmada Kaaraan ayaa u sheegay Warbaahinta inay Dowladda Cusub ee Madaxweyne Farmaajo ka doonayaan inuu dugsigaasi badbaadiso, islmarkaana la dhiso si arday badan oo degamadaasi degan uga faaiiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here