DEG DEG” 5-nin Oo Lagu Qabey Waxyaabaha +Sawirro

0
332

Taliska qaybta Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa maanta warbaahinta ugu soo bandhigay magaalada Boosaaso ee Gobolkaas 5-ruux iyo gaari ay wateen oo ay saarnaayeen waxyaabaha oo xalay lagu qabtay Gudaha magaalaas.

Gaariga lagu soo qabtay walxaha qarxa ayaa baabuurka nooca ay Soomaalidu u taqaano Dhikilo, waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ugu horeyntii Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdi Xakiin Xusseen Yuusuf oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in qaraxyada ay soo qabteen loo diyaariyay saddex fuusto, kuwaas oo la doonayay in lagu qarxiyo saddex bartilmaameed.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamada dawlada Puntland ee hawlgalka kuso qabtay qaraxyada iyo Kooxaha watay.

Shanta nin ee la qabtay ayuu sheegay in Afar ka mid ah ay magaalada so galeen saacado ka hor xilliga la qabanayay, wuxuu sheegay in EEBE ku guuleeyay inay ka hortagaan qaraxyadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here