Dalkii ugu horeeyey caalamka oo shacabkiisa u fasaxay ka ganacsiga daroogada+sababta

0
42

Dalka Uruguay oo ka tirsan dalalka ku yaalla koonfurta qaarada Amerika ayaa noqday dalkii ugu horeeyey caalamka ee shacabkiisa u fasaxa ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada Xashiishka loo yaqaano.

laga bisha Luulyo ee sannadkan, ayaa sharci laga dhigi doonaa in shacabka dalka Uruguay ay xashiishadda ka iibsan karaan farmashiyeyaal gaar ah oo ruqsad ama fasax loo siiyey.

Sanadkii 2013 ayey Uruguay noqotay waddankii ugu horreeyey ee sharciyeeya beeridda, iibinta iyo isticmaalka daroogadaas, laakinse waxaa hakad ku jiray in farmashiyeyaasha laga iibsado.

Farmashiyeyaal badan ayaa ka shakisan faa’iidada dhaqaale ee ugu jirta badeecad qiimaheeda la xadidayo, iyadoo halkii gram oo xashiish ah uu farmashigu gadayo qiime dhan $1.30.

Dadweynaha reer Uruguay ee doonaya inay iibsadaan xashiishadda ayaa diiday inay saxiixaan diiwaan loogu talay, ayagoo ka cabanaya in sirtooda ay dibadda imaan doonto. Waxay kaloo ka cabanayaan xadaynta xashiishadda ay bishiiba gadan karaan oo la cayimay, waxayna rabaan in xadidaadaas meesha laga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here