Dadka Ku Nool Xaafad ka mid ah xaafadaha muqdishu oo ka cabanaya dad ku libisan dariis ciidanka dowlada

0
23

Qaar Ka Mid ah dadka ku Nool Xaafadaha degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan rag ku labisan dareyska ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya oo dhac u geysta Xilliyada Habeenkii ah.

Dadka dhaca loo geystay qaar kamid ah oo lasoo xiriiray booqasho news  ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya islamarkaana wata Mootooyinka Bajaajka loo yaqaano ay dhac u geystaan xiliyadda Habeenkii islamarkaana aysan jirin cid ay kaga dacwadoodaan.

Waxa ay sheegeen in Maamulka Saldhiga Degmada Howl-wadaag ee Gobolka banaadir uusan arintaan waxba ka qabanin,islamarkaana waqti walba ay dhac kala kulmaan raga ku labisan dareyska ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here