Dadka danta yar oo ka cabanaya Sarakac Ku Yimid Qiimaha Qudaarta

0
129

Qaar kamid ah Suuqlayda Qudaarta Cagaaran ku iibisa Suuqa Qudaarta ee Bakaaraha oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen qiima koror ku yimid qiimaha qudaarta lakala iiibiyo.

Sarakaca qiimaha qudaarta lakala iibiyo ayey qudaarleydaan ku micneeyeen in ay sababtay abaaraha dalka ka jiro oo  in muddo ahna kusoo laalaabanaaye.

Qiimaha qudaarta cagaaran oo ay kamid yahiin Bagalka iyo Ansalaatada lakala iibin jiray ayaa iminka waxaa ku siyaadey in la eg intii hori loo iibin jiray, sidaasi waxaa Simba u sheegay qaar kamid ah qudaarleyda suuqa qudaarta Bakaaraha.

Qudaarleydaan ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay ka niyad jabeen ka ganacsiga qudaarta waayoo bey yiraahdeen waa qasaaro oo wax faa’iido ah inagama soo galeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here