Dad ku dhaawacmay dab-shid ka dhacay Faransiiska

0
29

 

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay dabaaldeg dab-shid ah oo ka socday waqooyiga Faransiiska.

Qaraxa ayaa galabnimadii Sabtida ka dhacay dhamaadka dabaaldegga oo loo yaqaanno ‘Yellow Carnaval’, kaasoo ka socday Villepinte oo waqooyiga bari ka xigta Paris.

Fiidiyow la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayey qaraxa oo dhashay sekenno ka dib markii dabka la shiday, kaasoo firir dhaliyey.

Hooyo iyo ilmihii ay dhashay ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay. Waxaa kale oo ay waxyeello ka soo gaartay duqii magaalada, sida laga soo xigtay wargeyska Le Parisien.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warrantay in 5 qof ay dhaawacyo culus ka soo gaareen, tiro kale oo dad ahna ay wejiga ka dhaawacmeen.

Waxay intaa ku dartay in baaritaan hordhac ah ay billaabeen dacwad oogayaasha, laakinse aan la ogayn sababta qaraxa dhalisay.

Dhowr boqol oo qof ayaa dabaaldegga isugu yimid, kuwaasoo uu ku jiray duqa magaalada.

Ilo booliska ku dhow ayaa shabakadda wararka ee BFM u sheegay in laga yaabo in shidaal loogu tala galay in dabka lagu shido uu qaraxa sababay.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here