Daawo Sawirada: Wasiirka Gaashaandhiga oo tagay Xarunta Wasaarada iyo Wasiirkii hore oo aan welina xilka warejin

0
21

Waxaa Maanta Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya Kormeer ku tagay Wasirrka Cusub Ee Wasaaradaas Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Waxaa Kormeerka Wasiir C/rashiid Ku wehlinayay Wasiirkii hore Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed.

C/rashiid C/llaahi Maxamed Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka waxaana kaddib uu mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta wasaaradda.

Kormeerka Wasiirka cusub ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee xil wareejinta iyadoo la filayo in Maalmaha soo socda uu si rasmi ah xilka ugala wareego Wasiirkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here