Daawo Sawirada: Taliyaha Ciidanka Milatariga oo Isbitaal Askar ku booqdey

0
43

Taliyaha cusub ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday askar katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Askarta dhaawacyada qabta uu booqday Taliyaha ciidanka Milatariga ayaa u badnaa askar dhawaan kusoo dhaawacantay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Xerada Ciidanka Milatariga ku leeyihiin Warshada Nac naca.

Taliyaha ayaa u kuur galay xaalada caafimaad ee askarta dhaawacyada kala duwan qabta, waxa uuna sheegay in dalka dibadiisa loo qaadi doono askarta dhaawacyada culus qaba ee dalka gudihiisa wax looga qaban karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here