Daawo Sawirada :Haweeneyda ugu dheer iyo mida ugu gaaban caalamka oo ka qeyb galay Aftidii ====

0
200

Arrimo badan oo cajiib ah oo dadku ay aad ula yaabeen ayaa lagu arkay Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ka dhacday dhowaan, waxaana ka mid ahaa in haweenaydii ugu gaabneyd dunida iyo tii ugu dheerayd ay ka qeyb galay aftidaas.

Romeads Gladie oo noqotay haweenaydii dunida ugu dheerayd oo dhererkeedu gaarayo (2 mitir iyo 13 sm) ayaa codkeeda ka dhiibatay gobolka Bolu ee waqooyiga dalka Turkiga.

Haweenaydan oo saxaafadda la hadlaysa ayaa tiri, “waxaan ku faraxsanahay inaan codkeyga dhiibto anigoo qof muwaadin ah”

Romeads Goldie ayaa gashay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness sanadkii 2014, iyadoo loo aqoonsaday haweeneyda ugu dheer adduunka xili 18 sano ay jirtay.

Dhanka kale, Elif Kujaman ayaa iyaduna doorashada ka qeybgashay, waxay noqotay hawenayda ugu gaaban adduunka sanadkii 2010 oo ay gashay Guinness.

Labadooduba waxay u dhasheen dalka Turkiga, waxayna caan ka yihiin dunida oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here