C/weli Gaas oo yimid Muqdisho iyo Militeri hubeysan oo..

0
35

Madaxweynaha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti la socday ayaa galabta tegay magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay dowladda Federaalka.

Waxaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax juxa, wasiiro xildhibano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweyna iyo weftigiisa ayaa salka ku yahay shir ay Muqdisho ku yeelan doonaan malinimada berito Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha Ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa sida looga bartay waxaa safarkiisa ku wehliyay ciidamo ilaalo u ah, laakiin waxaa ka muuqatay isbedel weyn iyagoo aan markan wadan qoryihii ay wadan jireyn, waxayna u muuqdeen ciidamo sacbooley ah.

Ma cadda qaabka hubka looga dhigay ilaalada madaxweyne Gaas inaysan markii hore wadan iyo inay diyaaradda uga tageen, waxayse u hogaansameen inaysan ub ku dhex marin Garoonka dhexdiisa, taasoo marar hore si weyn looga cawday balse dad badan ayaa u fasirtay arimo salka ku haya qabyaalada.

Gaas ayaa looga bartay inuu ilaalo gaara oo ilaa 9 askari ah u kaxeyso magaalada Muqdisho si ka duwan madaxda maamul goboleedyada kale, waxaase ka muuqda isbedel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here