Ciidanka Xooga Dalka Oo al_ Shabaab kala wareegay Fariisimo Muhiim ah

0
32

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay weerar ku qaadeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Korneel Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo ah Taliyaha horkaacayay Ciidamada ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay qabsadeen Tuulooyinkii Shabaab ay kula dagaalameen.

Waxa uu sheegay Ciidamada in ay gacanta ku dhigeen Tuulooyinka kala ah Kibili, Waagaale iyo Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Degaanadan ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxa ay hoostagaan Degaanka Janaale oo Al-shabaab ay ku sugan yihiin, ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here