Ciidamo Hor Oo Loo Soowado Somalia +Wadanka Ay Ka Socdaan

0
57

Dowlada dalka Uganda ayaa sheegtay in ay soomaaliya u soo direyso ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhinayo howlgalka midowga Africa ee AMISOM kuwaa oo lagu biirin doono ciidamada uganda ee qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda Gen. David Muhoozu ayaa sheegay in dowlada dalkiisa ciidamo dheeraad ah u soo direyso howlgalka Midowga Africa ee soomaaliya si loo dardergeliyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Dowlada Uganda ayaa horay u sheegtay in ciidamadeda ay kala baxeyso gudaha dalka Soomaaliya kadib markii midowga yurub lacagahii howlgalga amisom uu ku bixin jiray ay hoos u dhigeen taa oo keentay in taliyaha ciidamada dalka Uganda uu ku dhawaaqo in ciidamadooda howlgalka u joogo Soomaaliya ay kala bixi doonaan.

Sanadkii 2010-kii dowladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa balanqaaday in ciidamo dheeri ah ay ku biirin doonaan xooggaga AMISOM ee xiligaa ka howlgala oo kaliya magaalada Mogadishu balse iminka sidoo kale ka howlgala qeybo kamid ah gobalada dalka , kadib markii caga-jiid uu ka yimid dalal kale oo Afrikaan ah oo la filayay iney ciidamo ku biiriyaan howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, si tirada ciidamada halkaasi ka jooga ay u noqdaan illaa sideed kun (8000) oo askari, halka ciidanka AMISOM ee haatan ka howlgala soomaaliya ay ka badan yihiin 20 kun oo askari kuwooo oo kamid ah howlgalka AMISOM ee nabad ilaalineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here