Ciidamada Dowladda oo Xabsiga Dhigay Mid Kamid ah Wariayaasha Muqdisho

0
52

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay Wariye kamid ah Shaqaalaha tv’ga Soomaali news wariyahaani ayaa ku sugnaa xiliga la xiraayey xarunta kumaando boliisiyo oo uu u joogay howlo shaqo halkaasi oo ay maanta ka dhacaysay xil wareejinta wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamada xiray wariyahaani ayaa sheegay in ay ka shakiyeen lana soo bari doono hadii wax dambi ah lagu waayane la iska soo deyn doonto kadib markii la baaro.

Wariyaha ayaa kamid ahaa suxufiyiin ka qeyb galaayey munaasabad Xilka ay ku kala wareegayeen wasiirkii hore ee amniga mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamaed iyo wasiirka cusub ee mudane Maxamed Abuukar Isloow.

Wariye Cabdiraxmaan Waaberi oo kamid ah wariyayaasha ka howl gala magaaladatani muqdisho ayaa simba u xaqiiyay xariga wariya ilaa haatana lama oga sababta rasmiga ah ee wariyahaasi looga shakiyey.

Wariye Waaberi ayaa intaas hadalka ku daray in wariyaha lagu xiray xarunta dambi baarista dowlada soomaliya ee CID’-da qalabkuu ku shaqeenaayeyna aay gacanta ku haayaan saaraakiisha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here