Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Qaadaya Holwgal ka dhan ah kooxda shabaab

0
49

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/rasiid C/laahi Maxmed ayaa xarunta Xalane ee Magaaada Muqdisho kulan kula qaatay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ka howlgala.

Kulanka ayaa waxa diirada lagu saaray sidii loo qaadi lahaa howlgal Xarakada Al-shabaab dalka loogu saarayo islamarkamaana lagu furaayo wadooyinka ay Al-shabaab go’doomiyeen mudooyinkii dambe ee ku yaala Gobolada dalka Soomaliya.

Kulanka waxa ku sugnaa Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Jeneraal Cismaan Subagle, Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cali Baashi, iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

Wasiirka Cusub e Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/rasiid C/laahi Maxmed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay soo afjarida dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo muddo sanado ah dalka ka socda, iyo furida wadooyinka ay go’doomiyeen oo dhibaatooyin ay ku qabaaan dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay in ay qaadayso howlgal lagu furaayo wadoooyinka ay go’aamiyeen Al-shabaab ee ku yaala Gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan kuwa koonfurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here