Ciidamada AMISOM oo talaabo meel ka dhac ah kula kacay wasiir ka tirsan xukuumada Somalia

0
34

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka dowlada federaalka Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta loo diiday inay gudaha u gasho Garoonka Aadan Cadde.

Drs. Maryan Qaasim ayaa halkaas u tagtay ka qeyb galka Kulan ay kula ballansaneyd Madaxda Xafiiska EU-da ee Arrimaha Somalia.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah Ilaaladda AMISOM ee ku sugnaa Albaabka Madiina Gate ayaa si bareer ah waxay ugu diideen Wasiir Maryan inay ka gudubto Albaabka, iyagoo ku doodaya inaan lagu soo wargelinin fasax ay ugu oggolaadaan inay u gudubto Qeybta ay deggan yihiin Ergadda Midowga Yurub.

Wasiirada ayaa la sheegay iney aad uga carootay hab-dhaqanka Ilaaladda AMISOM iyo is’hortaaga ay ku sameeyeen.

Drs. Maryan Qaasim ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal labo qeyb ahaa oo ay ku xustay gefka aan garowshiyadda lahayn ee Askarta AMISOM ugu diideen inay u gudubto gudaha Garoonka Aadan Cadde.

“Waxaan ku hoos shaqeynaynaa xaallad adag gudaha Somalia, laakiin wax cuddur-daar ah ma laha dabeecadaha aan maanta ku arkay Askarta AMISOM” ayey Drs. Maryan ku qortay barteeda Twitter-ka.

Taliska AMISOM ayaan weli raalli-gelin ka bixinin maamuus la’aanta iyo qaladka ay ciiddanka AMISOM kula kaceen Wasiir Maryan Qaasim.

Sidoo kale, Xafiiska Ergadda EU-da ee Somalia ayaan weli war ka soo saarin Tallaabadda ay Askarta AMISOM ku hor-joogsadeen Wasiirada oo la balansaneyd Madaxda EU-da xafiiskooda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here