Booliska Jarmalka oo baaraya weerarkii Baskii ciyaartoyda Dortmund

0
31

Booliska Jarmalka ayaa baaritaan ku sameynaya qaraxii xalay lala beegsaday bas ay la socdeen Ciyaartoyda Kooxda Borussia Dortmund, hadii uu falkan xiriir la leeyahay kooxo Islaamiyiin iyo in kale.

Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa laga qarxay warqad hal dhinac wax uga qorneyd oo ugu horeyn magaca Alle lagu bilaabay, kaddibna looga hadlay weerarkii Berlin iyo howl galada Milateri uu jarmalka ka wado Suuriya.

Illaa iyo hada lama hubo in warqadan ay tahay mid dhab ah, hase ahaatee waxaa socda baaritaan lagu sameynayo warqadan la helay.

Saddex qarax ayaa ka ag dhacay baskii ay la socdeen Ciyaartoyda Dortmund, waxaana la sheegayaa inuu ahaa mid meel lagu sii diyaariyay.

Mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda oo lagu magacaabo Marc Bartra ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray, waxaana bur bur soo gaaray muraayada iyo taayarada baabuurka.

Ciyaarta Kooxda Dortmund la ciyaari laheyd kooxda Monaco ee dalka Faransiiska ayaa la baajiyay, waxaana la ciyaarayaa caawa.

Ammaanka ciyaartoyda labada kooxood ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la arkayay ciidamo hubeysan oo ilaalo ka haya.

Kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ee IS ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay suuq ku yaala magaalada Berlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here