Baarlamaanka Galmudug Oo Rajo Ka Muujiyey in ee dhacdo Doorshada Maamulkaasi

0
71

Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Xuduudaha ee Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Duraan Cali Jaamac  Al-Cadaala oo la hadlay Booqasho news ee Magaalada Muqdisho ayaa Rajo ka Muujiyey in Doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay  Dhacdo 30-Bisha May ee Soo Socta.

Xildhibaan Duraan ayaa Tilmaamay in Guddiga Doorashada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay ku Soo Xaadireen Magaalada Cadaado si ay uga Qayb galaan Doorashada Madaxweynaha oo uu Xusay inaysan Dib uga Dhici-Doonin Waqtigii ay ku Heshiisheen Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Ugu Danbeyntii Xildhibaanka  ayaa Maamulka Ahlusun ee Magaalada Dhuusa-Mareeb ugu Baaqay inay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha isla-markaana  ay qeyb ka qaataan Dhismaha Maamulka iyo Horumarin Gobalada Dhgexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here