Askar U Dhalaty Dalka Sudan Oo Looga Dilay Yemen.

0
35

Afhayeenka Milliteriga Sudan, Jeneral Ahmed Khalifa al-Shami ayaa sheegay  in 5 Askari looga dilay Iska horimaad ay Ciiddanka Isbahaysiga la galeen Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray in 22-kale lagu dhaawecay iska-horimaadkaasi, inkastoo uusan sheegin goobta lagu dilay, laguna dhaawacay Askartaasi.

Dhinaca kale, Jeneral Ahmed Khalifa al-Shami waxa uu xusay in Maleeshiyadda Xuutiyiinta khasaaro xooggan ka soo gaaray dagaalkaasi, isla markaana ay ka qabteen Maxaabiis fara badan oo uusan Tiradooda sheegin.

Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo waxa qeyb ka ah Ciiddamo ka kala socda dalalka Sudan, Masar, Urdun, Moroko, Baxrayn, Qatar, Imaaaradka iyo Kuwayt, kuwaasi oo muddo 2 sanno dagaal kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa lagu dilay Dagaalka ka socda dalkaasi oo ay Macluul xooggan ka jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here