Al-shabaab Waxa ay Ka Shaqeeyaan Iska Horkeenida Qabiiladda Soomaliyeed”,

0
40

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo maanta ka qeyb galay munasaabad lagu xusayay Sanad Guuradii 57-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo ka dhacday wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Al-shabaab ku eedeeyay in ay xili walba ka shaqeeyaan iska Hor keenida Qabiiladda Soomaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay In Dowladda Soomaliya ay xili walba ogtahay in deeganada ay ka Taliyaan Xarakada Al-shabaab ay ka jiraan caburin lagu hayo shacabka Soomaliyeed, islamarkaana qabiilada la iska horkeeno.

“Al-shaabab waa cilad Xiligaan jirta, qabiiladda Soomaliyeed ayay iska Horkeenaan,sidaas Darteed Dowladda Soomaliya waxa ay dhisi doontaa maamul ka shaqeeya dib u heshiisiinta oo nabad ka dhex dhaliyo qabiiladda Soomaliya, marka ay Dowladda Soomaliya la wareegto goobaha ay ka taliyaan Xarakada Al-shabaab”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here