Al-Shabaab oo xoriyadooda siiyay shaqaale caafimaad oo u xirnaa

0
35

Afar qof oo gacanta ugu jiray Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka baxay gacanta kooxdaas kadib markii Mudo labo maalin ka hor laga afduubtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dadka oo ahaan kalkaaliye caafimaad, labo arday iyo darawalkii gaariga u waday ayaa la soo daayay iyadoo shabaabku reebteen Dhaqtarkii ay la socdeen ragan.

Dr. Xasan Madoobe ayaa Al-Shabaab gacantooda ku jiray iyagoo sido kale reebtay Gaarigiisa iyo qalabkii Caafimaad ay ku shaqeyanayeen.

Lama oga sababta ururka Al-Shabaab ay u reebteen Dhaqtarkan oo ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here