Akhriso:-Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Dib Loo Dhigay ilaa 3-May

0
93

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug oo Shir Jaraaid maanta ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Maamulkaas.

Maxamed Xasan Geelle Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in doorashada oo lagu waday in la qabti 30-bishaan oo maalinta bari ah ku beegan laga weeciyay islamarkaana laga dhigay 3-ta bisha May.

Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa intaa ku daray in dib u dhigistaan ay tahay arimo farsamo, si loo helo waqti ku fulan doorashada, maadama ay wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno uu waqti badan ku lumay

Musarixiinta is diiwaan galiyey ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac. Musharixiintaan ayaa khudbooyinkooda Barlamaanka ka hor jeedinaya 1 May 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here