Agaasimihi Shaqada Laga Joojiyey oo Musuqmaasuqalagu Eedeeyey Oo Diiday Inuu Xafiiska Baneeyo (Xiisad)

0
29

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helaayo  xarunta wasaarada warfaafinta ayaa sheegaya in agaasimihi xilka laga qaaday C/risaaq Bahlaawi uu diiday inuu xafiiska ka baxo oo uu baneeyo.

Xiisada ayaa ka dhex taagan wasaarada , waxaana socda kulamo lagu qancinayo agaasimaha inuu shaqa ka firisida aqbalo.

Bahlaawi oo aan la xirirnay ayaa diiday inuu hadlo oo uu faahfaahiyo sababta uu u aqbali waayey shaqa ka joint iyo waxa ka jira masuqmaasuqa laga eedeeyey.

Wasiirka warfaafinta Eng C/raxmaan Cumar Yarisow aya manta ku eedeeyey agaasimaha sheegeyna in maxkamada loo diri doono si lo baaro masuqa uu ku kacay.

Bahlaawi ayaa mudo 20 sano ah ahaa agaasimihi guud ee wasaarada warfaafinta .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here