Yaxaas Xeebaha Soomaliya Ku Cunay Duuliye Ka Tirsanaa Shaqaalaha —-

0
34

Duuliye ka tirsan shaqaalaha Qaramada Mdoobay ayaa lugtiisa ku waayay sida ay muujiyaan sawirro lasoo bandhigay kadib markii uu soo weeraray Yaxaas aad u weyn gudaha xeebta Badweynta India ee Magaalada Muqdisho.

 Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in uu ka tirsnaaa shaqaalaha Qaramada Mdoobay ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku dabaalanayay Badweynta India meel ku dhow agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan Cadde.

Ninkaan oo helis u galay in Yaxaaska uu gabi-ahaanba uu cuno, ayaa waxaa u gurmaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho, oo ku guuleystay in ay badda kasoo saaraan, iyagoona banaanka keenay.

Waana mid kamid ah dhacdooyinka ugu naxdinta ee ka dhacay sanadkaan 2017-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here