Xog”Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Magacaabay Wasiiru Dowle

0
61

Wareegto kasoo baxay Xafiiska mMadaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka caalamiga ah Puntland.

 Burhaan Cilmi Xirsi ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka caalamiga ah ee Maamulka Puntland.

Wasiiru dowlahan cusub ayaa horey u soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta & Dalxiiska ee Xukuumadii Madaxweynihii hore ee maamulka puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, isagoo ka mid ahaa xubnihii guddiga Doorashooyinka Dad-ban ee dowladda Faderaala Soomaaliya.

Sidoo kale Wareegtada Magacaabida Wasiiru dowlaha ayaa la aaminsan in ay qeyb ka tahay magacaabida xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha Xukuumada Maamulka Puntland, laguna dhawaaqi doono Maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here