Xog:Howgalkii Laga Sameeyay Degmada Hodon Yaa Lagu Soo Qab qabtey

0
55

Ciidamada dowladda soomaaliya waxaa xaley holwgalo dad badan lagu soo qabqabtay ay ka sameeyeen degmada Hodo nee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo la sheegay in si qaas ah ay u sameynayeen ciidamada Nabad Sugida ee Nisa waxaa la xaqiijiyay in lagu soo qabqabtay dhallinyaro badan.
Qof kamid ah dadka kunool degmada Hodon waxa uu sheegay in howlgalka si qaas ah lagaga sameeyay Xaafada Bangaariyada ilaa suuqa qudaarta ee Bakaaraha.
Ciidamada ayaa la sheegay in baadigoobayeen shaqsiyaadki ka danbeeyay weerar madaafiic oo shaley lagu qaaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya waxana ciidamada dadka ay u sheegayeen in madaafiicda laga tuuray degmada Hodon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here