XOG” XASAASI AH “Muddo kordhin loo sameeyay Ciidamada =====

0
42

Baarlamaanka Dalka Jarmalka ayaa Khamiistii shalay ahayd meel mariyay qaraar muddo sanad ah loogu kordhinayo tababarayaasha u dhashy Dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya.

Baarlamaanka Dalkaasi ayaa sidoo kale oggolaaday in 20 Askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga biiraan 11-ka Macallin ee ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo Leyliya Ciidanka xoogga Dalka.

Dowladda Jarmalka waxaa horey Soomaaliga uga Joogey 11 Askari oo tababarayaal ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya oo la dagaalamaya Shabaab.

Baarlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhinayay Waqtiga tababarayaasha ku sababeeyay in xasillooni daro ka dhacda geeska Afrika ay qatar ku tahay Amniga Yurub.

Dowladda Jarmalka waxay sheegtey in tan iyo horraantii 2010-ka ay tababarayaasha ka socda Midowga Yurub leyliyeen 5,400 Askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here