XOG: XASAASI AH “Amar Lagu Soo Rogey Wasaaraadda Amniga

0
41

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday Wasaaraadda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay la timaado israatijiyad lagu sugi karo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya oo dhowrkii malin aynu soo dhaafnay xumaa.

 Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay yeesheen Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya kulankoodii ugu horeeyay ayaa sheegay in wasaaradda uu madaxda u yahay wasiirka amniga Gudaha maxamed Abuukar islow si deg deg loogu dalbaday in uu kusoo gudbiso qaabka loo xaqiijin karo amniga Magaalada muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow ayaa tilmaamay in hadii la helo sugida amniga ay wax badan fududaan doonaan islamarkaana howlahaan laga sugayo Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo xafiiska la wareegayso maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here